FADLIGA TOBANKA HORE DUL XAJJAH IYO MAALINTA CARAFO

Halkan kuma soo koobi karrno fadliga tobanka maalin ee ugu horeeyo bisha dul xajjah balse waxaa isku dayeynaa in aan soo koobno anagoo ukala qaaadeyno fadliga tobanka maalin oo isku duuban iyo fadliga gaarka ah maalinta Carafo.

FADLIGA TOBANKA HORE EE BISHA DUL XAJJAH.

Wuxuu Rasuulka (NNKH) noo sheegayaa
Tobankan Maalin in ay ugu Fadli badan
tahay Maalmaha Sanadka oo dhan,
Acmaasha la Sameeyaana ay ugu Ajar
badan tahay, Acmaasha la sameeyo
Bishan waala Laba Laabaa, waxaana ka
mid ah Acmaashaas:-

1- In la Badiyo Salaada Sunooyinka ah,
Sadaqada, iyo Dhamaan Acmasha
Wanaagsan oo dhan.

2- Badinta Xuska Alle, iyo Weyneyntiisa,
Akhrinta Kibaakiisa Quraanka.

3- Soonka, Soomida Sagaalkan Beri ee
Dul Xijjah xataa hadaysan Daliil ku soo
Aroorin waa Fadli badan tahay,
Acmaasha Wanaagsan ayuuna ka mid
yahay, iyadoo laga Qaadanayo
Adilooyinka kale.

4- Xajka iyo Cumrada waana kuwa ugu
Fadliga badan Acmaal la qabto,
(Hadaysan Sanadkan kuu Suura galin,
Sanadka Dambe Qorsheeso, insha
allaah).

5- In lagu Dadaalo Udxiyada, lagana
Fogaado in la Daayaco, Ajirka weyn ee ku Sugan Daraadii.

FADLIGA MAALINTA CARAFO

1- maalintii Ilaahay dhamaystiray diintiisa, ee uu kamilay nicmadiisa, diinta Islaamkana raali Ilaahay ka noqday. [Saxiixu Bukhaari: 45]

2- Carafo waa maalin ciid u ah xujaajta baytka Ilaahay ku gudanaya waajibaadka xajka. Waa maalin dadka xujaajta ah loo ogolyahay inay cunaan oo cabaan. [Sunan Tirmadi: 773]

3- Maalinta Carafo waxa ku dhaartay waynideeda Ilaahay (swt), wuxuuna dhahay: ” وشاهد ومشهود ” maalinta shaahidku waa Jimcaha, maalinta mashhuudkuna waa maalinta Carafo. [Tirmadibaa soo saaray, waxaana taxsiiniyey Albanai]

4- Maalinta Carafo soonka la soomo, waxa Ilaahay ku dhaafayaa danbiyada sanadkii hore iyo sanadka soo socda. Soonkana waxa laga rabaa dadka ayagu aan gudanaynin waajibaadka Xajka. [Tirmadi: 749]

5- Maalinta Carafo waa maalintii Ilaahay ballanta ka qaaday caruurta nabi Aadam ayagoo ku jira dhabarka aabahood nabi Aadam (csw). Ballantuna waxay ahayd inuu Ilaahay waydiiyey “Anigu Rabbigiin saw ma ahi? Waxay dhaheen: Haa”. [Musnadka Imaamu Axmed: 2451]

6- Maalinta Carrafo waa maalintii danbi dhaafka, maalinta ugu naar-xoreynta badan ee Ilaahayna uu ku faanayey xujaajta imanaysa gurigiisa. [Muslim: 1348]

7- Maalinta Carafo waa maalinta ducadeedu ugu khayrka badantahay. Ducaduna maaha mid ku kooban ruuxa waajibaadka xajka gudanaya oo kaliya ee qofkasta wuu ducaysan karaa. [Tirmadi:3585]

DUCADA LA AQRISTO MAALINTA CARAFO

Ducada ugu khayrka badan ee maalintaas lagu ducaysto waa ducadii Rasuulkii Ilaahay (scw) uu inoo sheegay:

 لا إله إلا الله وحده لا شريك له ، له الملك ، وله الحمد ، وهو على كل شيء قدير

Laa’ilaaha illaa Allahu waxdahuu laa shariika lahuu, lahu al-mulku, walahu alxamdu, wahuwa calaa kulli shay’in qadiir.

Ilaah xaq lagu caabudo majiro Allah mooyee, waana kalidii, cidna lama wadaagto cibaadadiisa, waxa u sugnaatay mulkiga iyo mahadda, isaguna wax walba wuu awoodaa.

Waxaa Qoray: Abshir Mohamed Ali

Popular posts from this blog

7 TODOBADDA JALAAD EE QURAANKA KARIIMKA MEESHA AY KA BILAWDAAN IYO MEESHA AY KU EGYIHIIN

XIKMADIHII DHAXAL GALKA NOQDAY CALI BIN ABII DAALIB (RC)

AKHRISO OO DAAWO: TAARIIKH NOLOLEEDKA ALLAHA U NAXARIISTO DRS XAAWO CABDI DHIBLAAWE