7 TODOBADDA JALAAD EE QURAANKA KARIIMKA MEESHA AY KA BILAWDAAN IYO MEESHA AY KU EGYIHIIN

Quraanka waxa uu ka koobanyahay 114 suuradood, 30 juz ama 60 xizib waxaana hadaa soomali nahay aad u naqaanaa habka loo yaqaan subaca kaas dadka u fududeeyo iney xafidan quraanka waxaana u bixinay 7 maalmood isbuuca ayagoo magacà kore u yaqaan jallaad.

7 jalaad ee quraanka meesha ay ka bilawdan iyo meesha ay ku eg yihiin:

Jalaad jimco

Suurada ugu horeysa quraanka faatixa 
(ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَـٰلَمِینَ)
 waxaa uu ku egyahay suuradda Al nisaa ayaada 61

Jalaad sabti

waxaa uu ka bilawdaa suurada al nisaa aayada 62 (فَكَیۡفَ إِذَاۤ أَصَـٰبَتۡهُم مُّصِیبَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَیۡدِیهِمۡ ثُمَّ جَاۤءُوكَ یَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ إِنۡ أَرَدۡنَاۤ إِلَّاۤ إِحۡسَـٰنࣰا وَتَوۡفِیقًا)
 wuxuuna ku egyahay suurada acraaf ayaada 170

Jalaad Axad

waxa uu ka bilawdaa suurad al racdi  ayaada 171 ( وَإِذۡ نَتَقۡنَا ٱلۡجَبَلَ فَوۡقَهُمۡ كَأَنَّهُۥ ظُلَّةࣱ وَظَنُّوۤا۟ أَنَّهُۥ وَاقِعُۢ بِهِمۡ خُذُوا۟ مَاۤ ءَاتَیۡنَـٰكُم بِقُوَّةࣲ وَٱذۡكُرُوا۟ مَا فِیهِ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ)
waxaa ku egyahay suuratul ibraahim ayaada 25

Jalaad isniin

 waxaa uu ka bilawdaa suuratul ibraahiim aayada 26 (وَمَثَلُ كَلِمَةٍ خَبِیثَةࣲ كَشَجَرَةٍ خَبِیثَةٍ ٱجۡتُثَّتۡ مِن فَوۡقِ ٱلۡأَرۡضِ مَا لَهَا مِن قَرَارࣲ)
waxa uu ku egyahay suuratul mu'minuun aayada 55

Jalaad Talaado

waxa uu ka bilawdaa suuratul al mu'minun ayaada 56(نُسَارِعُ لَهُمۡ فِی ٱلۡخَیۡرَ ٰ⁠تِۚ بَل لَّا یَشۡعُرُونَ)
waxa uu ku egyahay suuratul saba ayaada 19

Jalaad Arbaco

waxa uu ka bilawdaa suuratul Saba ayaada 20(وَلَقَدۡ صَدَّقَ عَلَیۡهِمۡ إِبۡلِیسُ ظَنَّهُۥ فَٱتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِیقࣰا مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِینَ)
waxa uu ku egyahay suuratul alfatxi ayaada u dambeysa 29

Jalaad Khamiis

waxaa ku bilawdaa suuratul xujiraat ayaada 1( یَـٰۤأَیُّهَا ٱلَّذِینَ ءَامَنُوا۟ لَا تُقَدِّمُوا۟ بَیۡنَ یَدَیِ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۖ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِیعٌ عَلِیمࣱ)
waxa uuna ku egyahay suuratul al naas aayada ugu dambeysa quraanka.

Waxaa Qoray: Abshir Mohamed

Popular posts from this blog

SHURUUDAHA AY LEEDAHAY UDXIYADDA

XIKMADIHII DHAXAL GALKA NOQDAY CALI BIN ABII DAALIB (RC)

FADLIGA TOBANKA HORE DUL XAJJAH IYO MAALINTA CARAFO

HALISTA MARAQA DIGAAGA U LEEYAHAY CAAFIMAADKA