SHURUUDAHA AY LEEDAHAY UDXIYADDA
Bismillah
Assalamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu.
UDXIYADA: waa gowrac ama qalid laqalo Ari, geel, lo', ama ido, i.w.m waana camal loogu dhawaado allaha lana sameeyo maalinta ciida oo ka dambeysa maalinta carafo taas muslimiinta lagu faray iney gawracaan kuwoodii wax heysto waxa ay awoodaan.
SHURUUDAHA AY LEEDAHAY UDXIYADDA
Udxiyadu waxey leedahay Sadex shardi oo asal u ah waxeyna kala yihiin
SHARDIGA 1-ADD: NEEFKA UDXIYADA GALAAYO WAA IN UU GAARAY DA'DII LOOGU TALA GALAY:
tusaale: ido haduu yahay waa 1 sano iyo wixii ka weyn, riyaha haduu yahay waa 2 sano iyo wixi ka weyn, lo'da hadey tahay 2 sano iyo wixii ka weyn, Geela 5 aano iyo wixi ka weyn.
Qaar ahlu cilmiga waxey yirahdeen idaha 6 bilood wa ku ansaxaa.
SHARDIGA 2-AAD: WAA IN UUSAN CEEB LEHEEN NEEFKA
ceebaha udxiyada Afar ayaa asal u ah uusan ku ansaxeyn:-
A- Neef il la'
B- Neef jiis ah
C- Neef jiran
D- Neef duqoobay
waxaa kaloo jiro ceebo yaryar ay ku ansaxeyso balse laga fiicanyahay waxaa ka mid ah
neef dhagta qeyb ka go'antahay, iyo midka geeska ka jaban.
SHARDIGA 3-AAD WAQTIGA LA GAWRACAYO UDXIYADDA
waxaa udxiyada la qalayaa salaadda ciida kadib
Masaajidda isku mar lagama dukado
Masjid aad adiga kusoo dukatay hadii laga baxay waad qali kartaa kuwa ka horeeyo ama kaa dambeeyo looma fiirinaayo.
KEEBAA KU UDXIYEYSAN KARAA?
Midka doonto ayaad ku udxiyeysan kartaa hadii aad geel qaleysid geelka ugu fiican 7 qoys ayaa wadaagaya, lo'du waxaa wadaagsa 7 qoys sidoo kale, hadii dhowr neef qaleysid way ku furantahay Nabiga (NNKH) wanan waa weyn ayuu ku udxiyeystay gacantiisa ayuu ku gawracay.
YAA GOWRACAYA NEEFKA?
waxaa fiican in udxiyada gacantada ku qalato hadii aad cid wakiilanayso waa in uu ahaada qofkaas mid dukada madama qofka aan dukan ahlu cilmiga isku heystaan muslim iyo gaal waxa uu yahay.
hadii aadan ka maarmin qalaaga balse uusan dukan adiga inta bisinka qabatid gowracdid kadib u dhiib maqaarka bixinta iyo jarjarida.
UJRADA QOFKA QALAAGA AH
Qof qalaaga ah waa inaa ujro kula heshiisaa sida lacag iyo wixi la mid ah, ujro ahaan looma siin karo hilibka udxiyada balse hadii aad siisay lacag ku heshiisaan waad ugu dari kartaa hilibka udxiyada.
QOFKA UDXIYADA BIXINAAYO
qofka udxiyada qalaayo tinta iyo cidiyaha majaraayo ilaa uu udxiyada qalo waana qofka bixinaayo udxiyada tusaale aabaha ilmaha iyo xaasaska kuma jiraan.
MEEQAA AYAA IGA GUDO UDXIYADA HADII XAASAS BADAN LEEYAHAY?
hadii aad 4 reer leedahay hal neef ayaa kaaga filan hadii 1 xaas leedahay ama 2 ama 3 hal neef ayaa kaaga filan.
WAXAA UU AHAA MUUQAAL SHIIKH MAXAMED MACALINW ABSHIR WAXAA QORAAL U BADALAY ABSHIR MOHAMED.
WAA KAN MUUQAALKA