XIKMADIHII DHAXAL GALKA NOQDAY CALI BIN ABII DAALIB (RC)
Xikmadihii dhaxal-galka noqday ee Cali Binu Abi Taalib (RC) ayaa qiimahooda iyo hanuunkooda dartood ka mid noqday dhaxalka aadamaha ee xitaa dadka aan Islaamka ahayni tusaalaha u soo qaataan laguna daraaseeyo Mac-hadyada iyo jaamacadaha ugu waaweyn aduunka waxaana ka mid ahaa kuwan:
Cali Binu Abi Taalib (RC) ayaa wuxuu yiri: Waxaa iman doonta maalin Islaamku magac kaliya noqdo .. Quraankuna muuqiisu yaalo .. kuwa tukanayaa Masaajidada buuxiyaan, laakiin aanay iimaan idinka ahayn .. waxaa la arki-doonaa Culimada oo Cilmiga iibisa .. fitnada iyo xumaantuna dhexdiina ku faafto, illaahay ayaan idiinka baryayaa inuu idinka nabad galiyo.
Waxa Iman-doona wakhti, waayeelku Dambiile noqdo .. Caalimku Munaafiq noqdo, Maal-qabeenkuna aanu saboolka wax tarin iyo dhalinyarada waayeelka ka xishoon wayda ..
Naftu waxay u ooydaa aduunyada iyadoo garanaysa inaanay ku nagaanayn wanaag kasta oo guudkeeda yaala qofna dhimashada dabadeed ma dago guri aanu aduunyada intii uu joogay ee uu noolaa dhisan, (Macno ahaan, qof walba wuxuu degaa gurigii uu ifka ka soo dhistay, mana jiro guri kale oo uu dhimashada ka dib degayaa).
Hantida badankeeda waxaynu u dhaqnaa kuwa ina dhaxlaya, wakhtigeenana wareer iyo aduunyo raadin baynu ku dhamaynaa. Kii Wanaag iyo khayr dhisa waxa u sugnaaday deganaansho wanaagsan, kii xumaan iyo shar dhisana guul daro ha ku bushaaraysto.