WAA MAXAY CALOOL XIRAN, MAXAA SABABO CALOOL FADHIGA?

𝐖𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐘 𝐂𝐀𝐋𝐎𝐎𝐋 𝐗𝐈𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀?

Calool xiranku waa marka saxaradaadu adkaato oo aad dareento inay si dhib ah ama xanuun badan saxaradu kaaga imaaneyso.

qofku hadii labo maalmood gudahood uu saxaroon waayo waxaa la dhihi karaa qofkaasi wuxuu qabaa calool fadhi ama calool istaag.

Calool fadhiga maaha cudur wayn oo laga baqo inkastoo mararka qaar uu noqda calaamad cuduR.

calool fadhigu wuxuu ku dhici karaa qofka xili kasta, inta badan calool fadhiga wuxuu socdaa waqti kooban  kadibna wuu dhamaadaa.

Dumarka ayaa kaga badan ragga calool fadhiga sababtuna waa: mindhicirka wayn ee dumarka oo ka dheer kan ragga taasoo keenta in mindhicirka dumarku uu aad u qallajiyo biyaha saxarada..

sidoo kale cariyeyaasha dumarka ayaa dawr ka qaata gaar ahaan xilliyada dumarku ay caadada qabaan iyo xiliga haweenaydu uurka leedahay,

xiliyadaas haweenku aad baa waxaa usoo wajaha calool fadhi daran maxaa yeelay arimahaas waxay keenaan in jirka haweenku uu urursado biyo badan. kadibna uu gaabsi noqdo xaragada iyo dhaqdhaqaaqa  mindhicirka, taasoo keenaysa  caloosha oo istaagta . Sidoo kale cayilka dumarka  oo aad uga badan kan ragga wuxuu qayb ka qaataa calool fadhiga

CALAAMADAHA LAGU GARTO CALOOL FADHIGA WAXAA KA MID AH:

• xanuun markaad saxaro dhigaysid
• Saxarada oo adkaata
• Docasha siyaada ah
• Awood la’aan inaad saxaradu kaa timaado iyo/ama adiga oo dareema in aan saxaradu si buuxda kaaga imaan.
• calool xanuun
• saxaroodka oo yaraada (hal mar 3dii ilaa 7dii maalmood).

MAXAA SABABA CALOOL FADHIGA?  

Caloolo xiranku waxa uu dhacaa marka mindhicirku ka dhuuqo saxarada biyaha kadibna murqaha mindhicirku ay riixi waayaan saxarada adkaanshaha ku yimaada aawadeed marxaladaan oo ay sababaan xaalado kala duwan. Sida:

1. Faybarka aad qaadato oo cuntada ku yar
2. Jirkagao biyaha ku yarado Biya aan kugu filnayn oo aad qaadato maalintii
3. Uurka sidoo kale hoyada maraca eey dhasho waxey la kulantaa calool xiran.
4. Sidoo kale  fadhiga badan waxa uu kenaacaloo xiranka
5. Daawoyinka qaar sida daawoyinka qalajiyaha iyo daawoyinka dhiig karka
6. qaar ka mid ah wax yaabahaa la  cuno oo xadi badan aad qaadato sida 
Caano, wax yaabaha leh madada cofienka sida qaxwada, shah madow. 
7. Sidoo kale cuntoyinkala shiilay  ama cuntoyinka dufunta leh sida hilibka,ukunta.
8. Qaar kamid ah cudurada sida 
• Baabasiirka
• Xanuunka malawadka
• Kansarka mindhircir waynaha iyo malawadka
• Habacsanaanta mindhicirka
• Cudurka walwalka iyo uurkutaalada
• Isku dhex yaaca cariyayaasha’’hoormoonada jirka’’

SIDEE LOOGA GA HORTAGI KARAA CALOOL XIRANKA?

Hadaba si aad uga hortagato dhibaatoyinka saxrada adag

Si dabiici ah u jilci calooshaada inta aadan daawo raadsanin adigoo raaca tillaabooyinkaan
 

• Si fiican wax u cun si aad uga dhigto mindhicirkaaga joogto mid u shaqeeya aadna u yeellato miisaan jireed oo caafimaad qaba.

• Qaado cuntooyinka ‘fibre ka leh  sida miraha,qudaarta, noocyada boorashka  iyo koostada. ugu yaraan 30g maalintii , cuntoyinkaan waxey  kaa dabcin kara xanuunka sidoo kale waxey ka hortagi kara in xanuunku mar kale soo noqdo.

• iska ilaali harraadka badan oo biyaha aad u cab 1.5 -2 Litir (6-8 galaas) oo biya  maalin waliba.

• Jimicsiga badso, taasoo keeni karta in xiidmahaagu cuntada si fiican u shiido.

• Dag dag uga jawaab  farriinta caadiga ah ee calooshaada ka timaadda oo markii lagu qabtaba suuliga aad.

• Cun tufaaxa si ay kaaga caawiyaan saxaro jilcan.

• Hadii xanuun daran uu jiro qaado Xanuun jebiyayaasha caadiga ah sida paracetamol ka.

• Hubi booskaaga musqul fariisiga:

Ruugaagu waa in xoogaa kor loo qaadaa waana inay waxyar ka sarreeyaan heerka miskahaaga
Kursiga kortaga ayaa laga yaabaa inaad u baahato si uu kuu gaarsiiyo booska ugu fiican.

Fiiro gaar ah: calool fadhi joogto noqday waqti ka badan mudo bil Ah. calool fadhiga noocan ah wuxuu u baahan yahay baaritaan taqtareed si loo garto sababta ka danbeesa..lakin hadii calool fadhigu ka yar yahay mudadaas iyada ah wax baaritaan taqtareed ah uma baahna ee waa calool fadhi fudud oo iska dhamaan doona.

WQ: Dr faris Al attas

Popular posts from this blog

7 TODOBADDA JALAAD EE QURAANKA KARIIMKA MEESHA AY KA BILAWDAAN IYO MEESHA AY KU EGYIHIIN

XIKMADIHII DHAXAL GALKA NOQDAY CALI BIN ABII DAALIB (RC)

AKHRISO OO DAAWO: TAARIIKH NOLOLEEDKA ALLAHA U NAXARIISTO DRS XAAWO CABDI DHIBLAAWE

FADLIGA TOBANKA HORE DUL XAJJAH IYO MAALINTA CARAFO