WAA MAXAY CALOOL XIRAN, MAXAA SABABO CALOOL FADHIGA?
![Image](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEi9lQJBfzaGpCcMOwXW_-ptlxggY_hhDzDGTdkyRK-LJqUb0iq5siVcv1xt1fDvGfFbXryZkggELees_GAHggkIgcgy4YjumTFee4IgrgJ2D_YRL9j4gkm9W8m_AaFXpidbtiFYd_NK2t0/s1600/1656667441267594-0.png)
𝐖𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐘 𝐂𝐀𝐋𝐎𝐎𝐋 𝐗𝐈𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀? Calool xiranku waa marka saxaradaadu adkaato oo aad dareento inay si dhib ah ama xanuun badan saxaradu kaaga imaaneyso. qofku hadii labo maalmood gudahood uu saxaroon waayo waxaa la dhihi karaa qofkaasi wuxuu qabaa calool fadhi ama calool istaag. Calool fadhiga maaha cudur wayn oo laga baqo inkastoo mararka qaar uu noqda calaamad cuduR. calool fadhigu wuxuu ku dhici karaa qofka xili kasta, inta badan calool fadhiga wuxuu socdaa waqti kooban kadibna wuu dhamaadaa. Dumarka ayaa kaga badan ragga calool fadhiga sababtuna waa: mindhicirka wayn ee dumarka oo ka dheer kan ragga taasoo keenta in mindhicirka dumarku uu aad u qallajiyo biyaha saxarada.. sidoo kale cariyeyaasha dumarka ayaa dawr ka qaata gaar ahaan xilliyada dumarku ay caadada qabaan iyo xiliga haweenaydu uurka leedahay, xiliyadaas haweenku aad baa waxaa usoo wajaha calool fadhi daran maxaa yeelay arimahaas waxay keenaan in jirka haweenku uu urursado biyo badan. kadi...